Wednesday, February 13, 2008

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay xoog ku soo furatay Nin Jarmal ah oo shalay la af-duubtay

Arbaco, February 13, 2008(HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay xoog ku soo furatay Nin u dhashay Dalka Jarmalka oo shalay lagu af-duubtay Deegaan ka tirsan Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland C/llaahi Ismaaciil Cirro ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in ninkaas ay ciidamada Somaliland xoog kaga soo reebeen raggii af-duubtay, isagoo sheegay in uu dhaawac soo gaaray labo ka mid ah raggii af-duubka geystay.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay ku daba-jireen ragga Af-duubka geystay ilaa shalay, isla markaana aakhirkii lagu guuleystay in Ninkaas Jarmalka u dhashay xoriyaddiisii dib loogu soo celiyo iyadoo aysan wax dhibaato ah soo gaarin.

Sida Wasiirku sheegay soo furashada Ninkani la qafaashay ayaa waxaa sahlay Maamulka iyo Dadka Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag oo iyagu ka dhiidhiyay in af-duub loo geysto dad ugu yimid in ay barnaamijyo horumarin ah ka fuliyaan deegaannadooda.

Sii deynta Ninkan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Jarmalka oo iyadu xiriir la soo sameysay Maamulka Somaliland iyo weliba mas’uuliyiin ay wada shaqeynayeen Ninka la af-duubtay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ninkani Jarmalka u dhashay ayaa la af-duubtay shalay gelinkii hore kadib markii uu socdaal indha-indhayn ah ugu baxay deegaano ka tirsan Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, isagoo ka shaqeeya hay’ad Jarmalka laga leeyahay oo qaabilsan Horumarinta Beeraha isla markaana la yiraahdo Germany Agro Action (GAA).

No comments: