Friday, December 28, 2007

CANMAX Conditional Request of the Signeture of Cabdillahi Yuusuf







CANMAX oo dalbatey sixiix
Dec, 29, 2007

Warar Garowe Online ka heshay ilo wararkooda lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in shirkada CANMEX ka dalbatey Range Resource iyo maamulka Puntland saxiixa Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo rasmi ah.

Shirkada CANMAX [ African Oil] ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in ay bixineyso saxiixa odeyga kadib $20 milyan oo doolar oo 15M oo ka mid ah qadaneyso Range Resource halka $5 milyan oo kale qeybsanyaan TFG iyo Puntland

Consor LTD oo ay gadatey Range Resource ayaa waxaa horey saami ugu lahaa sida la rumeysan yahay madaxda sare ee Puntland ee uu ku jiro Libaan Muse Boqoroo ay qaraabo yihiin Madaxweyne Cadde.

Madaxda shirkada CANMAX ayaa sheegey in heshiiska Range/Puntland la galeen ka baxayaan hadaan la helin saxiixa Madaxweynaha DFKMG ah oo rasmi ah taas oo sida la filayo u sahli doonta howlaha baarista.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maalmihii la soo dhaafey magaalada Nirobi u ambabaxeen Maxamad Cali Yusuf "Gaagaab"[Wasiirka maaliyada PL] iyo Libaan Muse Boqor kadib markii wajigabax kala kulmeen shir lacag ay ku weydiisteen ganacsatada reer Puntland ee Dubai halkaas oo ay qorsheynayaan in Madaxweyne Cabdulahi kula kulmaan isla markaana ka raarideen sixiixa heshiiskaan.

Gagaab ayaa warar dambe oo na soo gaarey sheegayaan in sababo aan la cayimin uu ka soo ambabaxey Nairobi uuna dib uga noqdey Puntland halka Liibaan weli ku sugan yahay halkaas.

Lama oga talaabada uu qaadi doono Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo heshiisyada Puntland la gashay shirkadaha shishiyee horey ragadis uga ridey dowladiisa kadib markii Ra'isal Wasarihii hore is-casilaadiisa saldhig uga dhigey khilaafka shidaalka. Ka dhageyso halkan.

Barlamanka DFKMG ah ayaan weli ansaxin sharciga shidaalka Somalia kaas oo sahlaya qeybsiga khayraadka iyo ansaxinta shirkadaha ka howlgalaya dalka madaama dagaalka sokeeye ka hor wadanka baaris uga sameeyeen shirkado kale.

Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa waxa haysta dhibatoyin la xiriira musuq-masuq baahey, amaan daro iyo Laascaano oo weli gacanta ugu jirta maamulka Somaliland.

Madaxweynaha DF Cabdulahi Yusuf ah ayaa horey lacago dowladiisa ka heshay wadanka Sucuddiga [$3 milyan] siiyey Puntland taas oo ilaa hada aan la aqoon meel ay ku baxdey.

Xukuumada Cadde ayaan lacagahaan u weecin mashaariicda qabyada ka aheyd Puntland isla markaana Lascaano gacanta lagu dhigey xilli lacgtaas ka soo qaateen magaalada Mudisho.

Waxaa iska leh daabacaada Garowe Online

No comments: