Friday, January 18, 2008
Dhakhaatir ajnebi ah oo u yimid maxjarka Berbera
Written by Faysal Cabdilaahi
Saturday, 19 January 2008
Berbera-(hormoodnews)
Saddex dhakhtar oo ajnebi ah oo aqoon u leh caafimaadka xoolaha ayaa madaarka Berbara ka dhoofay, ka dib markii ay xaqiijiyeen in tayada caafimaadka Karantiinka xoolaha berbara uu la mid yahay heerarka caalamiga ah.
Dhakhaatiirtaasi waxay sidaasi ka sheegeen mar ay shaley ka qayb galeen xaflad xadhiga lagaga jarayay maxjarka Berbara oo dhawaan dayac tir lagu sameeyay, oo uu maal galiyay Ganacsadaha Al-Jaabiri oo u dhashay dalka Sucuudiga oo xukumada Somaliland la galay heshiis ganacsi oo ku wajahan dhoofka xoolaha.
wakiilka ganacsade Al-jaabiri ayaa sheegay in Maxjarka ay dayac tireen, isla markaana ay dhawaan bilaabayaan Dhismaha Macjar cusub.
Wakiilkaasi isaga oo ka hadlaya u jeedada dhakhaatirtu u timid dalka waxa uu yidhi " dhakhaatiirtu waxay dalka u yimaadeen sidii ay u hubin lahaayeen tayada karantiinka, waxaana rajaynayaa in Maxjarkani waxtar u yeesho Somaliland".
Maxjarkan dib u dhiska lagu sameeyay ayaa qaadaya xoolo gaadhaya afar boqol oo Kun oo neef, xafladii xadhiga lagaga jarayay waxa goob joog ka ahaa Isu duwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Axmed Haybe Warsame
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment